Kullan looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada dalka oo ka furmay Muqdisho

0
82

Wasaaradada waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ayaa kulan looga hadlayo mashariicda waxbarashada dalka la qaatay Hay,adaha ka taageera Soomaaliya waxbarashada, kaasi oo socon doono muddo labo maalmood.

Nidaam waxbarasho oo horseed u ah Wadajir bulsho,wadaniyad,cadaalad,nabad iyo horumar waara ayaa wasaarada waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka waxa ay ku saleysay dejinta qorsho lagu hagayo sharuuc kuna qotoma adeeg waxbarasho oo tayo leh islamarkaana bulshada ay si siman uwada helaan.

Mudada labada maalin ah uu socon doono ayaa waxaa si adag looga doodi doonaa habka gabdhaha ay uga mid noqon lahaayeen waxbarshada sida daraasaadka lagu sheegay in ay ku yaryiihin gabdhaha qaasatan meelaha miyiga ah,kulanka waxaa kaloo ka qeyb galaya wasaaradaha waxbarshada maamul goboleedyada dalka oo baahi weyn uqabaan nidaam waxbarsho oo isku mid ah iyo barakacayaasha dalka dib ugu soo labanaya si ayaguna qeyb ugu noqon lahaayeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ujeedada iyo hanaanka Wasaaradda ay u wado howlaha lagu horumarinya waxbarshada dalka.

Wuxuu sheegay Agaasimaha in waxbarashada dalka oo la horumariyo ay muujineyso horumarka iyo sida uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya sare u qaadista Waxbarashada.

Wasaaradda waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa mudooyinka wado qorshayaal lagu horumarinayo lagu koontaroolayo waxbarahsda dalka waxaa kulankaan lagu wadaa in uu soo xeri doono wasiirka waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Leave a Reply