Liiska Xildhibaanada Puntland Oo Maanta La Shaacinayo

0
90

Guddiga xalinta Khilaafka doorashooyinka Puntland ayaa lagu waddaa in ay shaaciyaan saacaddaha soo socda Liiska Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulka Puntland sidda ay Risaala u xaqiijiyeen xubno ka mid ah guddiga.

Liiska Xildhibaanada ayaa ka koobnaan doona 66 Xildhibaan oo ku qoran dastuurka maamulka Puntland, waxaana maalmaha soo socda ay dooran doonaan Gudoonka baarlamaanka maamulka Puntland.

Xildhibaanada ayaa waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana la aaminsan yahay in lagu bixiyay dhaqaallo badan Musharaxiin badan ayaa u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Puntland.

Ku dhawaad 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimada Puntland ayaa hadda ku sugan Magaalada Garowe, waxaana dhammaantood ay sheegayaan in ay shaki badan ay ka muujinayaan Xildhibaanada lasoo doortay.

Leave a Reply