Maamulka Berdaale Oo Ka Hadlay Xaaladda Degmadaasi

0
390

Gudoomiyaha maamulka degmada Berdaale ee gobalka Baay Saalax oo Wareysi siiyay Barnaamijka Haldoorka wararka ee radio Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kaga waramay waxqabadka maamulkiisa Ee xagga arimaha Bulshada.

Gudoomiye Saalax ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku guuleysatay isku xirka bulshada wada degta deegaankaasi iyo habkii ay ula shaqeyn lahaayeen maamulkooda.

Salaax ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay waxyaabaha ay wax ka qabteen inay kamid tahay xagga adeegyada bulshda oo ay ugu horeeyaan Caafimaadka iyo waxbarashada.

Wadada xiriirisa Baydhabo iyo Berdaale oo ka muuqda bur bur aad uweyn ayuu sheegey Gudoomiyaha inay horeyba ujireen Hey’ado horey ubalanqaadey inay Dayactir kusameyn Doonaan Wadada Xiriirisa Awdiinle iyo Berdaale,  Mardhowna sitoos ah ay ubilaabi doonaan Dhismaha wadada dheere ee Awdiinle ilaa iyo Berdaale iyagoona sidoo kale Dhanka amniga ay la kaashan Doonaan Ciidamada kala Duwan.

Leave a Reply