Maamulka Buurhakaba Oo Ka Hadlay Dawo La,aan Ka Jirta Isbitaalka Degmadaasi.

0
213

Gudoomiyaha maamulka degmada buurhakaba ee gobalka baay maxamed ibraahim nuur ayaa waxaa uu ka waramay xaaladda amaan ee degtmada buurhakaba iyo sidoo kale daawo la,aan ka jirta isbitaalka degmadaasi.

Gudoomiye maxamed ibraahim ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay xaaladda amaan ee degmada buurhakaba iyo deegaanada ku xeeran, asagoona sheegay in amaanka uu yahay mid aad u wanaagsan sidoo kalena ciidamada ay wadaan howlgalada lagu sugayo nabad galyada.

waxaa uu sidoo kale gudoomiyaha maamulka degmada buurhakaba ka hadlay horumarada dhanka adeegyada bulshada ah ee ka jira degmadaasi , kuwaasi oo ay kamid tahay waxbarashada oo aas aas u ah bulshada, asagoona sheegay in heerka waxbarasho ee degmada ay fiicantahay marka loo fiiriyo sanado hore.

Maxamed ibraahim ayaa Dhaka kale sheegay in baahiyaha degmadu qabto ay kamid tahay helidda goobo caafimaad, asagoona sheegay in isbitaalka degmada buurhakaba uusan lahayn dhaqaatiir iyo daawo ku filan oo wax loogu qabto bukaanada.

Leave a Reply