Maamulka Degmada Baydhabo Oo Digniin U Direy Milkiilayaasha Maqaayadaha Iyo Dadka Kale Ee Aan Soomin.

0
288

Gudoomiyaha maamulka degmada ahna duqa magaalada Baydhabo C/llaahi Cali Watiin ayaa digniin ka soo saaray in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalintii oo dadka ay sooman yihiin, inta lagu guda bisha Ramadaan.

Gudoomiye Watiin ayaa Laamaha ciidanka ka codsaday in ay talaabo ka qaadaan soona qabtaan dadka cuntada u kariya kuwa aan soomin bisha barakeysan ee Ramadaan, Asagoona Sheegay cidii lagu arko iyadoo inta lagu guda jiro bishan in talaabo sharciga waafaqsan.

Leave a Reply