Maamulka Degmada Baydhabo Oo Ka Hadlay Horumarada Ay Ku Talaabsadeen.

0
298

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Ahna Duqa Magaalada Baydhabo C/llaahi Cali Watiin Oo La Hadlay Warbaahinta Ku Hadasha Afka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Ka Waramay Xaaladda Guud Iyo Horumarada Ka Jira Magaalada Baydhabo.

Gudoomiye Watiin Ayaa Sheegay In Hadda Ay Wadaan Qorshe Lagu Horumarinayo Bilicda Magaaladda Baydhabo Oo Ay Kamid Tahay Dayactirka Iyo Dhisidda Wadooyinka.

C/llaahi Watiin Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Maamulka Qorshaha Ugu Jiro Helidda Biyo Ku Filan Bulshada Maadaama Magaalada Hadda Laga Dareemayo Biyo Yari Aad U Baahsan.

Maamulka Degmada Baydhabo Ayaa Mudooyinkii U Dambeeyay Wuxuu Waday Dadaalo Lagu Horimarinayay Bilicda Magaalada.

Leave a Reply