MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO OO SHACABKA KA CODSADEY INAY ILAALSADAAN GOOBAHA DIBUDHISKA LAGU SAMEEYEY.

0
397

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Cabdulaahi Cali Watiin ayaa Shacabka Kunool Magaalada Baydhabo Ka Codsadey Inay Dhowraan oo ay Ilaaliyaan Waxyaabaha Maamulka Degmada Baydhabo Kusoo Kordhiyey Islamarkaasina Kamid ah Horumarada Degmada.

Cabdulaahi Cali watiin ayaa Sidoo Kale Sheegayaa In Magaaladan Lagu Taagey Nalalka Soolar Seystemka lo yaqaano oo bilicda Magaalada Soo Celiyey oo Xiliyadii habeenkii ah fudadeyn Jirey Isku Socodka Dadka Iyo Gaadiidka Balse Hada ay Dameen Islamarkaasina ay Qorsheynayaan Sidii Dib ugu  Shidi Lahaayeen,

Waxaana Dhanka Kale Gudoomiye Watiin Shacabka Ka Codsadey In iyaguna Laga Doonayo Marwaliba La Shaqeynta Dowladoodi iyo In Sidoo Kale ay Ilaalsadaan Waxyaabaha Horumarka  Magaalada Ah.

Leave a Reply