Maamulka Degmada Berdaalle Oo Ka Hadlay Xaaladda Guud

0
168

Saalax Sheikh Maxamed gudoomiyaha maamulka degmada Berdaalle ee gobalka Baay ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda guud ee degmada masuulka  uu ka yahay, gaar ahaan baahiyaha dhinaca adeeyada bulshada ee ka jira degmadaasi.

Gudoomiye Saalax ayaa sheegay in xaaladda amaan ee degmada ay aad u wanaagsan tahay, taaso sabab uu uga dhigay howl-galada laamaha amaanka ay ka wadaan gudaha degmada iyo deegaanada kale ee ka baxsan degmada Berdaalle.

Sidoo kale Saalax Sheikh gudoomiyaha maamulka degmada Berdaalle ayaa waxaa uu sheegay in degmada ay ka jirto baahiyo dhanka adeegyada  bulshada ah oo ay ugu horeeyaan xaga Caafimaadka iyo Waxbarashada, asagoona tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin daboolidda baahiyahaasi.

                                                        Halkaan Hoose Ka Dhageyso:- 

 

Leave a Reply