Maamulka Degmada Xuddur oo dayactir ku sameynayaa wadooyinkii ay gooyeen Roobabka

0
311

Maamulka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool oo bilaabey Olole ay ku nadiifinayaan ku dhisayaan wadooyinkii Biyaha Roobka ay fariisteen.

Xili ay ka curteen Roobabkii guga guud ahaan dalka ayaa roobaabkaasi oo mudooyinkii dambe ay ku da’ayey degaano ka tirsan Gobolka Bakool gaar ahaan degmada Xuddur waxay saameyn ku yeesheen wadooyinka iyo xaafadaha qaar ee Magaalada, iaydoona uu xakad galey isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha.

Maamulka Degmada Xuddur ayaa saaka dayactir kusamaynayaa wadooyin muhiim u ah Suuga oo biyahaasi ay gooyeen waxayna ku shubayaan dhagxaan si bulshada ay ugu adeegato.

Cabdirisaag Isaak Saajin waa guddoomiyaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Degmada Xuddur waxan weydiiyey waxa ay ka qabanayaa wadooiyinkaan ay saameeyeen robabka isagoona baaq u direy Hay’adaha ka shaqeeya gudaha magaalada Xuddur in ay gacan ka geystaan dib u hagaajinta wadooyinka wuxuna intaasi ku darey in kamaamul ahaan mar walba ay u taagan yihiin ka jawaabida baahiyaha bulshada walow aysan jirin kaabayaal dhaqaale oo wax ka soo gala wuxuna bulshada ugu baaqey in ay bixiyaan cashuurta si wax loogu qabto adeeqyada caafimaadka waxbarashada iyo dayactirka wadooyinka.

Leave a Reply