Maamulka Degmada Xudur Oo Kahadley Sidii Dib Loogu Soo Celinlahaa Feydhoorka Degmadaasi

0
127

Tabarkaan oo ku saabsanaa Nadaafada iyo Feydhowka degaanka ayaa waxa ka qeybgaley Xubno ka socda Maamulka degaanka ee Degmada Xudur Gudiga Biyaha ee degmada Xuddur Dhalinyaro Haween Odayaal iyo Waxagarad ayaa waxa uu socondoono mudo shan maalmood ah waxa diirada lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa Xanuunada ka dhasha Nadaafad xumida, in bulshada aya cabaan Biyo Nadiif ah iyo maareynta Goobaha biyaha ee Bulshadu leedahay.

Qabsoomida Tababarkaan waxa ay ku soo beegmeysaa Xilli Magaalada Xuddur ay ka socdaan Mashaariic wax looga qabanayo dhanka Biyaha, waxana socda dayactir lagu sameynayo Ceel-riig oo lagu wado in bulshada ku dhaqan magaalada xuddur ay biyo kacabaan taasi oo howsheeda haatan ay gabo gabo mareyso.

Maamulka Gobolka Bakool ayaa arintaan ku tilmaamey talaabo muhiim ah oo horey loo qaadey waxayna codsadeen in biyo gelin logu sameeyo Xaafadaha ku yaala gudaha Magaalada Xuddur oo mararka qaar ay adag tahay in kareetooyinka ay biyo gaarsiiyaan.

Ugu horeyn waxa tababarka ka Hadley Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed ayaa bulshada kula dardaarmey in ay ilaaliyaan Nadaafada degaanka oo shaqsi kastana masuuliyad gaar ah iska saaro wuxuna intaasi ku darey in fariintaan ay gaarsiiyaan bulshada iyagu ay matalaan si tababarka uu u noqda mid siguud looga wada faa’ideysta.

Intaa ka dib Guddoomiye maxamed Macalin ayaa u mahadceliyey Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya tan Koofur Galbeed iyo Hay’adaha fududeeya wax ka qabashada Biyaha.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool ahna kusimaha G/gobolka Cabdulaahi Maxamed Nuur snake oo tababarka furey ayaa sheegey in tani ay bilow u tahay hormarada Gobolka uu ku tilaabsanayo Bulshadana looga baahan yahay in ay dhowraan hantida bulshada wada leedahay.

Asigoo  oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegey in gudaha magaalada xuddur laga hirgelinayo Mashaariicyo ku aadan Ceelal cusub oo magaaladani ay yeelanayso Campanigii fulin lahaana uu soo gaarey Degmada Ceel berde ee Gobolka Bakool.

Sikastaba ha ahaatee iyadoo lawado dadaalo ku aadan sidii wax looga bedeli lahaa biyo yarida ka jirta degaanada Gobolka Bakool ayaa hadana saameynteeda aad looga dareemayaa biyo yarida soo wajahaysa degaanada Gobolka Bakool.

 

Leave a Reply