Maamulka Gedo Oo Lacag Gaarsiiyay dadka Ay Fatahaadaha Saameeyeen.

0
291

Gudoomiyaha Gobolka Gedo  Maxamed Muxumad Aadan oo dib ugu laabtay Degmada Dooloow, ayaa lacago ku wareejiyay Guddi ay iska soo saareen dadka ku Nool degmooyinka Dooloow, Luuq iyo Baladxaawo.

Gudoomiyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Gudoomiye kuxigeenka amniga gobolka Gedo Maxamed Xuseen Qaadi, Isagoona sheegay iney ka xunyihiin Saameynta Fatahaadaha Gobolka ku dhuftay.

Maxamed Muxumad Aadan, Gudoomiyaha Gedo ayaa Saxaafada usheegay in Min $18,000 ay ku Wareejiyeen Degmooyinka Dooloow iyo Luuq oo kamid ah Meelaha ugu daran ee Fatahaadu saameysay, Halka Baladxaawo dadkeeda lagu wareejiyay $10,000.

Gudoomiye Maxamed Muxumad Aadan, ayaa sharaxay sida ay uqeybiyeen 100-Kii Kun ee Doolar ee Guddiga gurmadka Ku wareejiyeen Markii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply