Maamulka Gobalka Baay Oo Ka Hadlay Dhulalka La, Isku Haysto.

0
200

Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Baay Cali Wardheere C/raxmaan Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Dhulalka La,isku Haysto Ee Gobalka, Gaar Ahaan Kuwa Magaalada Baydhabo.

Gudoomiye Cali Wardheere Ayaa Waxaa Uu Sheegay Inay Jiraan Dhulal Badan Oo La,isku Haysto, Asagoona Tilmaamay In Hadda Aan La Joogin Wakhtigii Dhul Iyo Wixii Lamid Ah La,isku Qasan Lahaa.

Cali Wardheere Ayaa Sheegay In Muhiimadda Ay Tahay Isu Tanaasul, Asagoona Sheegay In Wixii Hadda Ka Dambeeya Sharciga Dhulalka Laga Doonan Doono Maamulka, Hadday Noqon Lahayd Isqab qabsiga Iyo Kala Iibsiga Dhulalka.

Hadalka Maamulka Gobalka Baay Ayaa Ku Soo Aadayaa Xili Deegaano Ka Tirsan Gobalka Ay Ku Soo Badanayaan Isqab Qabsiga Dhulalka La, Isku Haysto.

Leave a Reply