Madaxda Dalka Iyo Kuwa M/ Gobaleedyada Oo Ku Soo Wajahan Baydhabo.

0
252

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG koonfur galbeed soomaaliya ayaa ka socda diyaar garowga loogu jiro soo dhoweynta wafuudda ka kala socota madaxda qaranka iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay soo gaaraan Madaxda qaranka sida, Madaxweynaha soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, R/wasaaraha xukuumadda mudane Xasan Cali Kheyre, Gudoonka golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Sidoo kale wafuudda saacadaha soo socda la filayo inay soo gaaraan magaalada Baydahbo waxaa kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Dalka ka jira Sida, madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoowe, Iyo Madaxweynaha Galmudug State Xaaf.

Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ka jira ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur galbeed uga furmi doonaa shirka Amniga Dalka kaa oo looga hadli doono arimaha amaanka iyo sidii loo cirib tiri lahaa kooxda shabaab.

Leave a Reply