Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Gaarey Degmada Xudur

0
198

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee Gobalka Bakool.

Waftiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka dayaaradaha degmada Xudur ku soo dhoweeyay masuuliyiinta maamulka gobalka iyo degmada, saraakiisha ciidamada, odayaasha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Xudur.

Wafdiga Madaxweynaha oo safarkiisa qaadan doona laba maalin ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan Masuuliyiinta Maamulka degmada iyo kan gobalka, iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ee degmadaasi ku nool.

Safarkan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Uu ku tagay degmada Xudur ayaa noqonaya safarkiisi ugu horeeyay, tan iyo intii loo doortay xilka madaxweynimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply