Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Gaarey Garoowe

0
67

Wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Maxamed Xasan (lafta gareen) ayaa maanta waxaa uu gaaray magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Masuuliyiin Ka tirsan maamulka Puntland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe wafdiga.

Madaxweyne lafta gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan caleema saarka Madaxweynaha Maamulka puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo beri ka dhacaysaa Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Leave a Reply