Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dawlada Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana looga midho dhalin lahaa waxna looga beddeli lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga dhici jiray Turkiga.