Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Beledweyne.

0
352

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa qaabilay Madaxwweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Waxaa ay booqdeen goobaha ay ku barakaceen dadka ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo Roobka Guga ee ka da’ay Magaalada Beledweyne.

Ugu yaraan 150,000 oo Qof ayaa ka barakacay Magaalada iyada oo dhinacyada Bariga iyo Galbeedka ay u barakaceen dadkii degganaa Beledweyne.

Hay’adaha Samafalka iyo dowladda Federaalka ah ayaa ku howlan qorshe gargaar lagu gaarsiinayo dadka ku barakacay fatahaadda ka dhalatay Wabiga oo buuxsamay iyo Roobka Guga.

Leave a Reply