Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Garoowe

0
100

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa saakay ku wajahan Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doono caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wafdi hor dhac u ah Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa ay gaareen Magaalada Garoowe.

Isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa saakay loo diidayaa inay isticmaalaan wadooyinka ka agdhow Garoonka diyaarada Magaalada Garoowe iyo xarunta Madaxtooyada maamulka Puntland.

Caleema saarka Madaxweyne Deni ayaa maanta waxaa ku kulmi doono wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda.

Leave a Reply