Madaxweyne Farmaajo oo Somalida ugu hanbalyeeyay Bisha Ramadaan.

0
281

Madaxda ugu sareysay Dalka ayaa hanbalyo ku aadan Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan udiray Dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Somalida meel kasta oo ay Joogaan.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, ayaa qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook, Hanbalyo ku aadan Bisha Ramadaan ugu diray Shacbiga Somaliyed, Isagoona ugu baaqay Somalida iney iscafiyaan, la isku Naxariisto ayna is Caawiyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale fariin udiray dadka wax heysta oo la xiriirta iney Afuriyaan kuwa tabarta yar ee aan awooda uleheyn ee aan waxba heysan.

Sidoo Kale Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa Hanbalyo ku aadan Curashada Bisha Ramadaan udiray Somalida, Iyagoo soo jeediyay in laga faa’ideysto Fadliga Bishan, Dalkana loo duceeyo.

Si Kastaba, Malaayiin Muslimiin ah ayay maanta u eheyd maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan. Dalalka Turkiga, Albania, Bosnia , Kosovo, Macedonia iyo kuwo kale ayaa Arbacadi maanta ah laga soomanaa. Hase yeeshee inta badan dunida Muslimka oo ay ku jiraan Soomaaliya, Sacuudiga, Qatar, Masar iyo dalal kale oo badan, waxay dowladuhu ku dhawaaqeen in Khamiista birrito ah ay si rasmi ah u billaaban doonto bisha Ramadan.

Leave a Reply