Madaxweyne Gaas oo Faahfaahiyay Shirka Baydhabo.

0
223

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Faahfaahin ka bixiyay Shirka Amniga Qaranka ee Berri ka furmaya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Gaas waxaa uu sheegay in Shirkaasi looga hadlaayo Amniga Qaranka, islamarkaana diiradda lagu saarayo xasilinta Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in rajeynaayo in ay kasoo baxaan Shirka Qodobo waxtar u leh Bulshadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in shirkaan uu u dhaxeeyo Dowlad dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu socon doonaa Shirkaan labo Maalmood, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , Madaxda maamul goboleedyadda iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Leave a Reply