Madaxweyne Lafta-gareen Oo Wax Ka Qabanayo Adeegyada Bulshada

0
283

Madaxeynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu ka hadlay qorshaha maamulkiisa eek u aadan xasalinta amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay qoshihiisa amniga deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan, wadada dheer ee isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho, asagoona sheegay in marka hore uu dhisi doono ciidan tayaysan oo arimahaasi wax ka qabta.

C/casiis Xasan Maxamed Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu in dowladiisa ay ku dadaali doonto horumarinta adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin bulshada ku nool deegaanada Koonfur Galbeed oo ay ugu horeyso Horumarinta iyo qorista afka maayga oo kamid ah labada lahjadood ee looga hadlo Soomaaliya.

Haldalkaan ayaa madaxweyne C/casiis Lafta-gareen waxaa uu ku sheegay munaasbad shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed Ee Baydhabo taaso uu xilka kula wareegayay.

Leave a Reply