Madaxweyne Lafta gareen Oo Xarig Jaray Waddo 1400 Mitir Ah

0
120

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane AbdiAsiis Hassan Mohamed Ayaa Xariga Ka Jaray Wado Dhirirkeeda Yahay 1400Mitir Oo laga Dhisay Magalada Baydhabo Oo Ay Dhistay Hey’ada Nis Waxaana Maal Galisay Dowlada Norwey.

Munaasbadda Xariga Jarka Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Safiirada Norwey u Fadhiso Somalia,Wasiirka Howlaha Guud Mudane Abdi Aden Hosow Wasiirka, Qorsheenta Iyo Maalgashiga Jamaal, wasiiru Dowlaha Ganacsiga Dr G’O Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raisulwasaaraha Xaamud iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Abdiaziz Lafta-Gareen ayaa U mahadceliyay Dowlada Norwey iyo Dhamaan inta Ka Qeyb Qaadatay Dhisida Wadadaas Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Dowladda Norwey Iyo Dowladaha Kale Ka Codsaday Iney Garab is taagan Maamulka Si loo Helo Wadooyin Si Magaalada Ugu Soo Noqoto Bilicdii lagu Yaqaanay.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha ayaa Baaq u Diray Dhamaan Hey’adaha Samafalka Iney Wax ka Qabtaan Biyo la’aanta Ka Jirto Baydhabo iyo Dhamaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Leave a Reply