Magaalada Baydhabo Oo Lagu Soo Xiray Tababar U Socday Gabdhaha Saxafiyiinta.

0
303

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27/04/2018 waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu soo gebogabeeyay Dood cilmiyeed maalinkii labaad ka socday magaalada.

Aragti is weedaarsiga ayaa ku saabsanaa Siyaasada Shaqaalaha, Hishiiyada, Sinaanta Mushaarka, Dhiiro galinta, Tobabarada, iyo Xuquuqaadka kale sida fasaxa ee ( Haweenka Suxufiyiinta) xilliga dhalmada.

Doodani waxaa loo qabtay qeyb ahaan suxufiyiinta ka howlgala Magaalada Baydhabo, guud ahaan wariyaashii fikradaha ka dhiibtay doodda waxa ay isla qireen in ay jiraan dhibaatooyin badan oo dhinacyadaasi quseeya balse ay muhiim tahay in warbaahin waliba ay ku dadaasho sidii ay isaga horumarin laheyd.

Xiritaanka aragti is dhaafsiga waxaa ka soo qeybgalay, Gudoomiyaha Gobalka Bay, Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Godoomiyha Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed,iyo Agaasimaha Radio Koonfur Galbeed.

waxaa Dooda soo qaban qaabiyay Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SWJ oo caawimaad ka helayo hey’addaha IMS, iyo   FOJO Media Institute.

Leave a Reply