Magaalada Baydhabo Oo Maanta Laga Hirgaliyay School Si Bilaash Ah Wax Loogu Baran Doono.

0
532

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa maanta magaalada baydhabo ka furtay iskuul cusub oo si lacag la,aan ah wax loogu baran doono.

Munaasabadda xarig jarka iskuulkan cusub ee loogu magac daray Baidoa Model School ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda, kusimaha madaxweynaha, iyo xubno ka socday midowga europe.

Masuuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa ku dheeraday muhiimadda iskuulkan loo furay iyo baahiyaha keenay.

Kusimaha madaxweynaha dowladda koonfur galbeed soomaaliya ahna wasiirka amniga gudaha mudane Xasan Xuseen Eelay ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go,an tahay hirgelinta iskuulaadka noocaan ah si ay uga faa,ideystaan ardada aan awoodin bixinta kharashaadka, asagoona sheegay in dowladdu ay ku talo jirto hirgelinta iskuulo kale oo ay maamusho dowladda.

 

Leave a Reply