Magaalada Baydhabo Oo Maanta Tababar Loogu Furay Garsoorayaasha Kubadda Cagta.

0
456

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo tababar uga furmey Garsoorayaasha Kubada Cagta degmada baydhabo tababarkaasi oo ay soo qaban qaabisey Wasaarada Dhalinyarada Konfur Galbed waxaana bixinaya garsoorayaal heer caalami ah oo mudo kasoo shaqeeyey kubada cagta kuwaasi oo kayimid magaalada Mogadisho.

Ku dhawaad 30 garsoore oo isugu jira kuwa mudo kasoo shaqeeyey isboortis ka baydhabo iyo kuwa hada raba inay kusoo biraan xirfada garsoorenimada ayaa ka qeyb qaadanaya.

Tababarkan oo socon doona mudo 5 maalmood ah ayaa waxaa daahfurkiisa kasoo qeyb galey wasiir kuxigeenka wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha kgs iyo xubnaha gudiyada sports ka degmada baydhabo Wasiir mohamed Mohamed Hagi oo tababarka daahfurey ayaa ku dardaarmey in mudada uu socdo laga faaiideysto tanina ay qeyb weyn kaqaadaneyso horumarinta kubada cagta gaar haan baahiyihii loo qabatey garsoorayaasha.

Wasaarada Dhalinyarada Konfur Galbed ayaa dadaalo badan kubixineysa sidii lagu hormarin lahaa qeybaha sports ka iyo dhalinyarada walow ay tahay markii ugu horeysey oo garsoorayaasha baydhabo ay helaan tababar noocan mudada ay jirta wasaarada dhalinyarada Waxaase hada rajadu ay tahay in tababaro intaa kabadan ay helaan.

Leave a Reply