Malta Oo Lagu Xukumay Muwaadin Soomaaliyeed

0
104

Nin magaciisa lagu sheegay C/qani Cumar C/llaahi  ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta, isagoo lagu eedeeyey inuu isku tijaabiyey inuu qaniino Sarkaal Bolis iyo inuu qof kale ku handaday mindi.

Qoraal loo gudbiyey Maxkmaadad ayaa lagu sheegay inuu Eedeysanahaasi bishii December ee sannadkii hore falkaasi ka geeystay Deegaanka Marsalfon.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha ku kacay falal Amni-darro, isla markaana uu khatar gelin lahaa Sarkaal Bolis, kadib, markii uu isku dayey isagoo sarqaansan inuu qaniino Sarkaalkaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

Garsooraha Dacwadda qaadayey waxa uu ku xukumay C/qani Cumar C/llaahi   xabsi hal sanno ah iyo ganaax lacageed oo dhan 2,000 oo EURO(€2000).

Leave a Reply