Maqaal Ku Saabsan Rajada Nabadda Ee Soomaaliya.

0
254

Maqaalkeygan kooban oo aan ugu magac darey rajada nabada wax mid ku saleysan xaalada iyo arimaha waaqiciga ah ee ka jira wadankeena Soomaaliya guud ahaan waxaad mooda wax kasta go,aan ka qaadashadooda in uu jiro deg deg iyo is maquunin hadii aan si kale u iraahdo qar iska tuurnimo siyaasadeysan.

Qormadan maaha mid shakhsi gaar ay ku foorarto ee mid ka tarjumeysa in la iftiimiyo halka wax ka qaldam yihiin guud ahaan iyo gaar ahaan akhriste maqaalka maaha maad waxa kuu furan fikirkaaga saliimka ah waa inaan laga gaban run ka,sheegista iyadoo la ilaalinayo shaqsiyada shakhsiga iyadoo ay ku jirto xushmad , xikmada hadalka waa cilmi wax wanaajiya .

Dib u heshiisiin guud dhex marta Soomaalida waa aasaaska saldhig nabada ee dalka ,
Aminaga, cadaalalada,dib udhiska waxbarashada,caafimaadka, dhaqaalaha,dhamaan waa waxyaabaha looga baahan yahay inuu hormar ka sameeyo maamul kasta ka jira meel kasta uu ka aramiyo .

Mucaarad la,aan dowlad ama maamul kasta waa inuu lahaada ayna raali ka noqdaan waayo hadeynaan mucaaradaad jirin ma ogaan karaan qaldaadkooda , mucaaradkuna waa inuu ahaada mid aragti fog leh ku saleysan fikir wax toosiya eynaan noqon mid wax dumin u horseeda bulsho dhaqan .

Tabasho badan ayaa ka jirta arimaha siyaasada inkastoo weli aanu nahay wadan hada kasoo kabanaya colaado sokeeye iyo kuwao siyaasideysan oo u baahan in laga wada hadlo oo hal meel looga wada jeesto hadiiba xalku ku jiro.

Wadaniyadu waa furaha maslaxada bulsho u ooman horumarkeeda laakiin siyaasiga maaha inuu ku fushado siyaasada danihiisa gaarka ah taasoo asal u ah musuqmaasuq ka jira dalka.kama aamusi doono hadii u aragno shakhsiga ka xishooneynin musaqa inaanu sheegno ugu yaran meesha ama wasaarada uu ka shaqeeyo inagoo isticmaaleyna luqada saxaafada.

Maqaalkeena waa mid socon doona marti kama tihid akhriste ka bogasho iyo la soco marwalbo maqaalkan rajada nabada.

W/Q: Okasha Mohamed

Leave a Reply