Masuuliyiin Booqasho Ku Tagay Suuq Weynaha Magaalada Baraawe Ee Caasimadda KG.

0
435

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha hoose oo ay wehliyeen Maamulka Degmada Baraawe iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa komeeray Suuqa weyn ee Degmada Baraawe si ay ugu kuur galaan Ganacsiga Suuqa iyo Baahiyaha ay qabaan Ganacsatada Suuqa Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoowe ayaa sheegay in Suuqa Degmada Baraawe Ee caasimadda dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya uu muhiim u yahay nolosha dadka Degmada iyo Deegaanada Hoosyimada intaba.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahim Najax ayaa tilmaamay in Maamulka Gobalka uu ka hirgelin doono Degmada Suuq weyn oo ay ku ganacsadaan Dadka Degmada Baraawe oo dhan.

“Waxaa Qorshaheena kamid ah in aan furno Suuq weyn kaas oo dhamaan Dadka Soomaaliyeed ku ganacsan karaan sidoo kale muhiim u ah dhamaan Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ku rajo weyn nahay in aan dhawaan furno”.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobalka iyo Masuuliyiinta la socotay ayaa tagay Garoonka Kubbada Cagta Degmada Baraawe oo Todobaadkan Maleeshiyada Al Shabaab miino ay ku aaseen Garoonka ay ku dhinteen 6 qof kuna dhaawacmeen 4 qof oo ka mid ahaa Shacabka Degmada Baraawe oo u soo daawasha tagay ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxesay laba koox oo ka dhisan Degmada Baraawe, Sidoo kale waxaa ay tageen Isbitaalka weyn ee Degmada isagoo Warbixin ka dhagestay Dhaqaatirta Isbitaalka.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahim Najax ayaa tilmaamay in ay la xanuunsanayaan Qoysaska ay ka geeriyoodeen dhalinyarda isago sheegay in Al Shabaab dhawaan laga xureyn doono guud-ahaan Gobalka Shabellaha Hoose.

Leave a Reply