Maxkamadda C.Q.S oo digniin udirtay Ciidamada Dowladda.

0
350

Isagoo la hadlayey Ciidamo Cusub oo gaar looguna magac daray Ciidanka Kacdoonka 14-ka October oo ku xareysan Xerada Gen. Gordan ayuu sheegay inaan loo dul qaadan doonin isku dhacyada Ciidamada Soomaaliya Guddoomiyaha darajada 1aad ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in Ciidamada lagula xisaabtami doomo khasaaraha ka dhasha isku dhacyada dhaxdooda ah ayna diyaariyeen qaabkii arintaasi loo wejihi lahaa sida uu sheegay.

Akhlaaq iyo dadnimo ayuu kula dar daarmay Ciidamada Cusub oo u badan dhalinyaro Jaamiciyiin ah iyo Kuwa dariiqada Culumada Suufida ah oo si gaar ah loo soo xulay looguna talagalay Muqdisho iyo Soomaaliya oo dhan.

Leave a Reply