Mooto Bajaajta oo laga mamnuucay Baydhabo

0
163

Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga manuucay inay ka hawlgasho gudaha magaaladaasi Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Amarkan oo ka soo baxay Taliska Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxa uu soconayaa ilaa Saddex maaalmood, waxaana warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga Baydhabo Gen. Mukhtaar Maxamed Ibraahim Gaduudow.

Gen. Mukhtaar ayaa wuxuu sheegay laamaha ammaanka Koonfur Galbeed inay heleen xogo la xiriira in qaraxyo lagu geysan rabo Mooto Bajaajta, sidaasi darteedna ay sameynayaan muddo Saddex maalmood baaritaan guud oo lagu hubinayo Mootooyinka.

Wuxuu sheegay inta ay socdaan baaritaanada oo berri ka bilaabanaya inaanay magaalada ka hawlgeli karin Mootada, cidii amarkaasi jabisana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaan idin xaqiijinayaa muddo Saddex maalmood ah in magaalada laga mamnuucay inay ka hawlgasho Mootada loo yaqaano Bajaajta, laamaha ammaanka ayaa helay xogo la xiriira dhanka amniga, baaritaano guud ayaanu sameyn doonaa berri ka bilaabata ilaa Saddex maalmood, kadib ayay shaqadooda dib u bilaaban doonaan.” Ayuu yiri Gen. Mukhtaar.

Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee ku shaqeysata Mootada Bajaajta ayaa amarka ka soo baxay laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ku tilmaamay mid shaqadooda hakad lagu gelinayo, Saddex maalmoodna aysan ahaan karin shaqo la’aan.

Leave a Reply