Wefdi Uu Hogaaminayo Muqtaar Roobow Ayaa Soo Gaarey Baydhabo

0
309

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Ayaa waxaa Goordhow Soo Gaarey Wadaadka Muqtar Roobow Cali Abuu Mansuur kaas oo maalmahaan ku sugnaa degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Muqtaar Roobow oo uu wehlinayo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed,waxaana Baydhabo ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa loo gudbiyey isaga iyo Xubnaha la socda,waxana haatan uu kulamo la leeyahay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil Ciidan,isaga oo kala hadlaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa bilihii u dambeeyey waxa uu deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab,isaga oo horay u sheegay in uu ka qeyb qadan doono dagaalada ka dhanka ah Al-Shabab.

Leave a Reply