Habeenimadii xalay aheyd ayaa Koox Burcad Koonfur Afrikan ah waxa ay Gudaha dalka Koonfur Afrika ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka dalkaasi ku Ganacsada.
Kooxda Burcada ah ayaa muwaadinka Soomaaliyeed Allaha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Bashiir Abuukar Maxamuud waxa ay ugu tageen kuna dileen goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Deegaanka Qamata.
Mid ka mid ah dadka Soomaalida ah ee dalkaasi Koonfur Afrika ku Ganacsada ayaa waxa uu sheegay in dilka kadib kooxdii Burcada aheyd ay goobta isaga baxsadeen,hayeeshee ay baaritaano sameeyeen Ciidamada Booliska dalkaas wallow aysan qaban kooxdii dilka geysatay.
Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dilaa Ganacsatada Soomaaliyeed,iyada oo ilaa iyo hadda dowladda dalkaas aysan ku guuleysan inay waxka qabtaan.