Dareewal Soomaali oo lagu magacaabo Maxamed-deeq Saciid Diiriye, balse loo yaqaano Maxamed Diiriye ayaa la soo taagay Maxkamad ku talla gobalka Minesotta ee dalka Mareykanka, isagoo lagu soo oogay geerida qof ka mid ah rakaabkii la socday Taksigiisa, iyo mid kale oo dhaawacmay.
Eedeysanaha oo ahaa Dareewal Taksi, ayaa la sheegay inuu shil galay bishii bishii Janaayo 19-dii ee sannadkii 2017-kii, waxaana dhacdadaasi ku geeriyooday Nin Maraykan oo la oran jirey Shawn Koltiska, halka nin kale oo lagu magacaabo Joosef Foster uu soo garaay dhaawac dhinaca dhabarka oo uu haatan ka soo kabanayo.
Dhinaca kale, Boliska gacanta ku hayey Baaritaanka Kiiskan waxay Maxkamadda u soo gudbiyeen inuu Eedeysanuhu sarqaansanaa, xilligii u ushilku galayey, balse, Qoyskiisa iyo Jaalliyadda Soomaalida wey beeniyeen inuu sarqaansanaa.