NISA Oo Qabatay Ragii Ka Dambeeyay Qaraxyadii Muqdisho

0
88

Waxaa gacanta lagu soo dhigay ragii ka dambeeyay qaraxyadii maanta Muqdisho gilgilay sida ay sheegeen NISA.

Ciidanka amniga Qaranka ayaa Gacanta kusoo dhigay hoggaamiyihii howlgalka qaraxyadii Al-shabab ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo wadahii Gaarigii danbe ee ku qarxay Taallada Daljirka dahsoon, kaas oo qarxay xilli ay Ciidanka amniga Gacanta ku hayeen , kadib markii shacabka laga fogeeyay sida ay NISA sheegeen.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in weeraradan qorshahoodu uu ahaa in lagu beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee National Terte-ka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay ka socdeen dayactir.

Leave a Reply