Odayaasha KGS Oo Ku Baaqay In La Garab Istaaga Hogaanka Cusub

0
80

Odayaasha dhaqanka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa si buuxda u sheegay inay la shaqeyn doonaan madaxweynaha Cusub ee Koonfur Galbeed mudane C/casiis Xasan Maxamed iyo xukumadda uu soo dhisi doono, kadib kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Baydhabo.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya malaaq Deerow Yacquub Cali ayaa sheegay maadaama ay udub dhexaad u yihiin tiirka dowladnimada inay ka go,an tahay u shaqeynta bulshadooda si loo gaaro horumarada la hiigsanayo.

Malaaq Deerow ayaa ugu dambeyn ku baaqay shacabka, odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiinta in loo wada istaago garab istaaga hogaanka cusub ee koonfur galbeed.

Hadalkan ayaa Afhayeenka odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Somalia ku sheegay kulankii shalay Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu la qaatay odayaasha iyo xildhibaano ka kala socday labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply