Qarax Khasaara geystay oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho.

0
287

Qaraxaan ayaa goordhaw ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku geeriyootay inta la xaqiijiyay saddex qof oo midkood ahaa wade Mootooyinka Bajaajka.

Goob joogayaal ayaa  sheegay in Gaari Nuuca Raaxada ah uu ku gubanayo halka qaraxa uu ka dhacay, sidoo kalana wararka ayaa sheegayaa in waxyeelo ay gaartay Mootooyinka Bajaajka iyo dadkii saarnaa.

Ciidamada Ammaanka ayaa goobta tagay, iyagoona xiray hareeraha halka uu qaraxa ka dhacay, Gaadiidka Gurmadka Deg dega ayaa iyanna goobta gaaray si ay u qaadaan dadka waxyeelo gaartay.

Halka uu qaraxa ka dhacay Meel aanan sidaa ugu fogeyn waxaa Khamiistii ka dhacay qarax ay ku nafwaayeen dad gaaraya 17-qof, halka ay ku dhaawacmeen 8-kale waxayna dhammaantood ahaayeen dad shacab ah.

La soco wixii kasoo kordha.

Leave a Reply