QM oo Eretrea ku eedeeysay gabbood fal ka dhan ah Shacabka Dalkaasi.

0
98

Dowladda Eretrea ayaa xabsiyada dhigtay Boqolaal shacab ah, ka dib markii ay xukuumadda Dalkaasi u aragtay inay kasoo horjeedaan siyaasadda xukuumadda.

Madaxa xuquuqul Insaanka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa , Sheila B. Keetharuth, oo warkan kasoo saaray Shalay Magaalada Geneva ayaa intaa ku daray in Dadka la xir-xiray ay u badan yihiin Rag oo qaarkood lagu qiyaasay 13 jirro.

Qaramada midoobay ayaa soo jeedisay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha geeska Afrika oo ay ugu horreeyso Eretrea in lagu Maxkamadeeyo dambiyada ka dhanka ah Bini’aadamka oo ay ka mid yihiin jirdil, kufsi, dil iyo gabbood fallo kale.

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa Dalkaasi soo hogaaminayey tan iyo markii uu xorriyadda ka qaatay Itoobiya 1991-kii, isagoo shacabka u adeegsada awoodo dheeraad ah iyo cabburis, waxaana Bil walba halkaasi isaga carara kumanaan Dad ah.

Leave a Reply