Qorshe Lagu Mataaneynayo Muqdisho iyo Qaahira Oo Socda

0
98

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee dalka Masar ay u soo wakiishadeen Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Safiirka horumarka ballaaran ee ka socda Gobolka Banaadir iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hawllan yihiin dib u soo celinta dalkooda, gaar ahaan olalaha isxilqaan ee dib loogu dhisayo goobihii iyo adeegyadii ku burburay dagaalladii sokeeye.

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Danjire Ibraahim qorsheyaashii taariikhiga ah ee Dowladda Masar ay ku gacansiin jirtay Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo ay kaalin weyn kku leeyihiin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka dowladaha hoose ee Gobolka Banaadir iyo dalka Masar, gaar ahaan mataaneynta Muqdisho iyo Qaahira.

Safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay ugu garab taagan yihiin gudashada waajibaadka loo soo igmaday.

Leave a Reply