R/w Kheyre Iyo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baledoogle.

0
262

Ra,isal wasaaraha xukumadda soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka gaashaandhiga soomaaliy mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) ayaa maanta waxay booqasho ku tageen xerada ay ku tababartaan qeybaha kala duwan ee ciidabka xooga dalka ee deegaanka baledoogle oo ka tirsan gobalka shabeelaha hoose.

R/wasaare  Xasan Cali Kheyre Iyo Wasiir Xasan Amardambe ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada xooga ee ku jira xeradaasi gaar ahaan kuwa danab.

Waxayna sidoo kale xog wareysteen saraakiisha ciidamada ee halkaasi joogey, iyagoona ka xog wareystay baahiyaha halkaasi ka jira.

Xerada baledoogle ee gobalka shabeelaha hoose ayaa ah goob ay ku tababartaan ciidamada xooga dalka, gaar ahaan ciidanka kumaandooska.

8

Leave a Reply