R/wasaaraha Itoobiya oo booqashadiisa dibadda ee ugu horreysay ku tagay Jabuuti.

0
228

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa booqashadiisii ugu horreysay tan iyo magacaabistiisii ee uu ku tago dibadda waxaa uu ku tagay Dalka Jabuuti.

Magaalada Jabuuti waxaa ku qaabilay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,waxaa ay labada mas’uul ka wada hadleen iskaashiga dhinaca dhaqaalaha,Ganacsiga iyo istiraatiijiyadda dalalka deriska.

Axmed waxaa uu billowgii Bishan qabtay xilka Ra’isalwasaaraha Itoobiya,waxaana uu beddelay Ra’isalwasaarihii isaga ka horreeyay ee Hailemariam Desalegn.

Dalka Jabuuti ayaa loo arkaa mid muhiim u ah Itoobiya,waxaana Itoobiya waxyaabaha ugu badan ee ay kala degto Badaha ay ka heshaa Dalka Jabuuti.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya safarkiisa Jabuuti waxaa ku wehliyay Wasiirka arrimaha dibadda dalkiisa Workneh Gebeyehu iyo Madaxweynaha Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Dad badan ayaa hadal haya safarka Ra’islawasaaraha Itoobiya ee dalka Jabuuti iyada oo mushkilado badan ay ka jiraan gudaha Dalka Itoobiya,kana mid ahayd waxyaabaha uu ballan qaaday in uu wax ka qabanayo.

Leave a Reply