R/Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Digay In La Niyad Jabiyo Shacabka

0
65

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay soo baxayaan siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo majaxaabinaya horumarka dowladda Soomaaliya.

Geedi ayaa xusay in siyaasiyiinta, gaar ahaan kuwa mucaaradka ay arrintan u sameynayaan dano gaar ah iyo hadafyo siyaasadeed oo ay leeyihiin.

Waxaana uu ka digay in la niyad jabiyo shacabka Soomaaliyeed oo haatan si weyn ula dhacsan qaabka ay wax u wwado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Leave a Reply