Madaxweyne Lafta-gareen Oo Sagootin U Sameeyay Vikram Parekh

0
118

Madaxweynaha dhowaan la doortay ee  Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa maanta kula kulmay magaalada Baydhabo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay gaar ahaan wakiilkii hore ee UNSOM Vikram Parekh iyo wakiilka cusub Aroud Laloum ee magaalada Baydhabo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa,Wasiiro iyo Xilfhibaano ka tirsan Maamulka Koofurgalbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Vikram Parekh oo hore u ahaa Madaxii UNSOM ee magaalada Baydhabo haddana u dhamaatay waqtigiisii ayaa u mahaceliyay maamulka Koofurgalbeed mudadii uu joogay sida ay ula shaqeeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Koofurgalbeed Cabdicasiis  laftagareen ayaa Vikram ugu mahadcelinayay qaabkii wanaagsaneed uu ugu shaqeeyey Xafiiska mudaddii uu joogay.

Madaxweyne laftagareen gacmo furan kusoo dhoweeyay madaxa cusub ee xafiiska UNSOM ee magaalada Baydhabo Aroud Laloum, isagoo sheegay in uu la shaqeyn doono.

Madaxweynaha cusub ee Koofurgalbeed ee dhowaan la doortay ayaa howl maalmeedkiisa caadiga wata isagoo kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bay iyo guud ahaan Koofurgalbeed.

Leave a Reply