War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xabsiga dhigtay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wasaarada amniga ayaa sheegtay in Sarkaalka la xiray lagu magacaabayay Yuusuf Xundubey, waxaana la tilmaamay uu ka soo muuqday muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, isaga oo gacan ka hadal dhex maraya gabar, iyadoo gabadhaas la sheegay inay aheyd xaaskiisa hore
“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.