Sarkaal Ciidan Oo Lagu Dilay Degmada Afgooye

0
356

Wararka ay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ka heleyso degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka oo Goobjoogayaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,isla markaana lagu dilay Xaafad ka tirsan degmada Afgooye dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka basadeen.

Sarkaalka al dilay ayaa caanka ahaa demada Afgooye,waxaana loo yaqaanay (Waa Kaa Hayaa) sida ay u sheegeen Risaala dad ku sugan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana mas’uuliyida dilkaasi sheegtay Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa tegay goobta dilka uu ka dhacay,kuwaas oo sameeyay baaritaano aan wax natiij ah kasoo bixin,iyada oo dilka ka dhacay degmada Afgooye aysan weli ka hadlin Maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada intaba.

Degmada Afgooye ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka Gobolkaaasi Shabeellaha hoose ay inta badan dilalka ka dhacaan,waxaana mas’uuliiinta Maamulka degmada ay sheegaan inay waxka qaban doonaan balse aysan ku guuleysan.

Leave a Reply