(SAWIRO) Ciyaartoyda Degmada Xudur Oo Baydhabo Soo Gaarey

0
921

Degmada  Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Koonfur Galbeed Soomaaliya Maanta Waxaa Soo Gaarey Ciyaartooy Kasocota Degmada Xudur Iyagoo Mateli Donaan Gobolka Bakool,Waxaana Garoonka Diyaaraha Shaati Gaduud Ee Magalada Baydhabo Kusoo Dhaweyeen Bahda Isboortiska Masuulin Katirsan Wasaarada Dhalinyarada Iyo Isbortiska Kg Oo Ugu Horeeyey Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maxamed Cusmaan Maxamed (Ore)Ururada Dhalinyarada Haweenka Iyo  Masoolin Kale Oo Katirsan Maamulka Degmada Baydhabo.

Ciyaartooydaan Katimid Degmada Xudur Oo Matali Donaan Gobolka Bakool Oo Baydhabo Yimid Ayaa Waxaa Safarkooda Ku Wehlinaayey Masuulin Katirsan Gudiga Isbortiska Iyo Maamulka Degmada Xudur Oo Uu Kujiro Aadan Cabdi Awaarey Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Xudur Ahna Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Degmada Xudur Ee Xarunta gobolka Bakool.

Maalinta Beri Ah Oo Tariiqda Ay Ku Aadan Tahay 14 07 2018 Ayaa Waxaa Lagu Wadaa In Garoonka Kubada Cagta Ah Ee Dr Ayuub Ciyaar Saxibtinimo Ah Ay Ku Dhaxmarto Labadaan Koox Oo Ay Mateli donaan Gobolka Baay Iyo Gobolka Bakool Sida Ay Warbaahinta Koonfur Galbeed Ay Uxaqijiyeen Gudiga Isbortiska Degmada Baydhabo.

Kulankaan Ayaa Waxaa Uu Kamid yahay Kulamada Isdhaxgalka Bulshada Kaasi Oo Sanad Walba Gudiga Isbortiska Degmada Baydhabo U Qabta Kooxaha Kadhisan Goboladaan koonfur Galbeed Soomaaliya.

BY: Siidcali Muuse Maxamed (Ateera) Xafiika Wararka Hubsiimonews.com Magalada Baydhabo Janaay.

Leave a Reply