Sawiro:- Dhismaha Golaha Deegaanka Ee Baydhabo Oo Bilaabanaya.

0
547

Wasaarada Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa bilowdey Shirarka Wada tashiga Geedi Socodka maamul u sameenta degmada Baydhabo Shirarkan Oo Looga Hadlayo Awood Qeybsiga beelaha daga deegaanada Gobolka Baay Gaar ahaan Golaha Deegaanka Magaalada Baydhabo oo ay soo qabanqaabisey Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowlada Xooose KGS ayaa Waxaa  kasoo qeyb galey qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka KGS iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS Mudane Maxamed Nuur Madoowe Nuunow iyo Agaasimaha Guud Wasaarada Mudane Cumar Max’ed Macalin iyo sido kale howl wadeeno kasocodey Hay’ada Maxaliga ah Somali One.

Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Oo Lakulmey Odayaashii Soo Xuli Lahaa Ergada Golaha Deegaanka ayaa Kudardaarmey,in ladajiyo Xiisada Is qabqabsiga Awood Qeybsiga Golaha Deegaanka,Sidoo Kale na Odayaasha ay Soo Xulaan sida Uga Dhaqsaha badan.

Sidoo Kale Wasiir Mohamed Nuur Madoobe Nuunow ayaa  Kulan Laqaatey Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah Si Loogu wada Qeyb Qaato Dhismaha Golaha Deegaanka Magaalada Baydhabo.

Wasaarada ayaana Mudooyinkii dambe Wadey Dib Uheshiisiin Ku Aadan beelaha Iskuheysta Saami Qeybsiga Golaha Deegaanka.

Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose ee KGS Ayaa Horey Ugu guukeysatey In Maamul Gole deegaan ay usameyso, Magaalooyinka Xudur Bakool Iyo Berdaale Baay Kuwaasi Oo Noqdey Labadii Degmo ee Ugu Horeysey oo Gole Deegaan Laga dhiso.

Ugu Dambeyntii Baydhabo ayaa Larajeynayaa inay yeelato 27 Xubnood Oo Golaha Deegaanka ah Maadaama ay Tahay Magaalada Madaxda Koonfur Galbeed,Halka Degmooyinka Kale ee baydhabo Hoos Yimaada ay Yeelan doonaan 21 Xubnood.

Leave a Reply