Sawiro:-Madaxweyne Lafta Gareen Oo Salaadda Jimcaha……..

0
242

Madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid malaaq Aadan Tiirow Cabdi oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa tacsiyo u diray dhamaan reer Koonfur Galbeed gaar ahaan ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday malaaqa, asagoona Alle uga baryay inuu janatul Fardowsa ka waraabiyo.

Dhanka kale madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed ayaa maanta sidoo kale masjidka madaxtooyada waxaa uu salaadda jimcaha kula dukaday masuuliyiinta maamulka oo ugu horeeyo gudoomiyaha golaha wakiilada Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheikhuna Maye.

 

 

Leave a Reply