(SAWIRO) Wasaarada Amniga KG Oo Kahadashey Amniga Qansax Dheere

0
597

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Iyo Ciidanka Booliska Kg Ayaa Waxaa Uu Kula Hadley Xaro Weyn Oo Degmada Qansax Dheere Ee Gobolka Baay Kuyaasha Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Dowald Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Elay) .

Wasiirka Ayaa Ciidamada Kala Duwan Ee Kusugan Qansax Dheere Waxaa Uu Umuujiyey Sida Loogu Warqabo Ciidan Xaquuqdooda Iyo Dadaalada Ay Kawadaan Degmadaasi Isagoona U Sheegey Iney Yihiin Kuwa Habeen Ay Kuseexdaan Maalina Ay Kusoo Jedaan Bulshada Ku Nool Tulooyinka Iyo Degmada Qansax Dheere.

Xasan Xuseen Wasiirka Amniga Gudaha Kg Ayaa Intii Uu Joogey Degmada Qansax Dheere Waxaa Uu Kulamo Laqaatey Saraakiisha Ciidamada Kala Duwan Ee Jooga Degmadaasi Ugu Horeentiii Waxaa Uu Ka Dhageystey Warbixin Ku Aadan  Meelaha inta Badan Howlgalada Ay Kasameyaan Ciidamada’Howlgaladii Ugu Dambeeyey Iyo Qorshahooda Ku Aadan Sugida Amniga.

Wasiir Xasan Elay Sarakiisha Iyo Ciidamada Waxaa Uu Kula Dardaaramey In Maalin Iyo Habeen Ay Wadaan Howlgalada Iyo Ladagaalanka Kooxda Al Shabaab Si Nabad Galiyo Ay Ugu Noladaan Bulshada Qansax Dheere.

Odiyaasha Dhaqanka Waxey Qeyb Weyn Kaqadanayaan Nabada Iyo Wacyi Galinta Bulshada Waana Hagaha Bulshada Iyagoo Hadey Dhibaato Jirta Kubaaqa Nabada.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Waxaa Uu Waqti Badan Laqaatey Odiyaasha Dhaqanka Ku Nool Degmada Qansax Dheere Waxaana Uu Kala Hadley Sidii Ay Bulshada Utusi Lahayeen Wadada Saxda Ah Ee Lagu Nolaankaro Madaama Kooxda Al Shabaab Dhalinyarada Inta Badan Maskaxda Ay Ka Qaldaan.

Wasiirka Ayaa Sheegey In Hadii Odiyaasha Ay Kahadlaan Masaajidada Iyo Meelaha Ay Bulshada Ubadan Tahay In Laga Guleysan Karo Kooxda Al Shabaab.

Odiyaasha Dhaqanka Ee Kusagan Qansax Dheere Ayaa Iyagana Dhankooda Balanqaadey In Qeyb Qeyn Ay Kaqaadan Lashaqeynta Ciidamada Kala Duwan iyo Wacyi-galinta Dhalinyada Kooxda Al Shabaab Maskaxda Ay Kaqaldeen.

Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Elay Ayaa Inta Badan Waxaa Uu Xooga Saraa Sidii Uu Ku Ogaan Lahaa Amniga Gobolada Kg Isagoo Safaro Ku Aadan Degmooyinka Ay Jogaan Ciidamada Wuxuuna Ku Dhiira Galiyaa Sidii Ay Ugu Adkaan Lahayeen kooxda La Shabaab Oo Dhibaato Weyn Ku Hayaan Shacabka Soomaaliyeed Gaar Ahaneyd Kuwa Kunolaan KG.

BY:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)

Leave a Reply