Sawiro:-Wasaarada Gargaarka KGS Oo La Shirtey Hay’adaha Ka Shaqeeya Arimaha Gargaarka.

0
402

Kulan Looga hadlayey arimaha abaaraha Oo ay soo qaban qaabisey Wasaarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka KGS ayaa waxaa kaqeyb galey  Wasiirka wasaarada Gargaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Mustaf haji nuur iyo Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee kashaqeeya arimaha gargaarka iyo Qaxootiga.

Kulanka ayaa ahaa mid wasaarada iyo hay’adahaba ay kukala war qaadanayeen halka ay mareyso caawinta dadka danyerta ee kunool Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa abaartu saameysey oo Kunool baydhabo duleedkeeda.

Hay’adaha Maxaliga ah ee kahawlgala baydhabo ayaa Wasaarada Gargaarka ugudbiyey warbixin kusaabsan Gargaaradii udambeeyey ee bixiyeen iyo qorshshaha xiligan ay wax uga qaban doonaan dadka danyerta ah ee kunool baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka gargaarka Koonfur Galbeed Dr Mustaf haji nuur Oo kulanka kahadley ayaa sheegey inay hay’adaha laga doonayo inay halkaasi kasii wadaan gargaarada ay bixinayaan sidool kale ladoonayo hay’adaha maxaliga ah in si siman ay uga faaiideeyaan dadka danyerta ee kujira xerooyinka barakacayaasha oo aan look ala eexan.

Kulanka ayaa qeyb ka noqonaya Kulamada Looga hadlayo Dadka abaarta Koonfurta ay saameysey sidii wax looga qaban lahaa,iyo sidoo kale sidii loo dabooli lahaa baahiyaha kaladuwan ee ay qabaan ,ayadoona xiligan laguda galey xili roobaadka oo ah waqtiyada ugu badan oo barakacayaashu ay lakulmaan dhibaatooyin badan.

Hay’adaha Gargaarka Kuwa Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ayaa Kaaalin Muuqata Kaqaatey Samata bixinta dadkii ay saameysey abaartii dalka soo martey oo ilaa xiligan kajirto qeybo kamid ah deegaanada Koonfurta Soomaaliya.

Leave a Reply