(SAWIRO)Cayaartoyda Kubadda Cagta Kooxda ACF Oo Kasocda Gobolka Bakool Ayaa Casho Sharaf Loogu Sameeyey Hotel Horyaal Ee Magaalada Baydhabo.

0
417

Casho Sharaftan Ayaa Cayaartoyda Kasocotey Gobolka Bakool Waxaa Kucasuumey  Salaad Jeeri Oo Ah Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo Sidoo Kale Na ah Ganacsade Kasoo Jeeda Gobolka Bakool.

Casho Sharafta Ayaa Waxaa Kaqeybgaley Xildhibaano Iyo Wasiiro Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed,Madaxda Wasaarada Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed,Xubno Katirsan Bahda Isboortiga Degmada Baydhabo Dhalinyaro Iyo Marti sharaf Kale Oo Casha Sharaftaasi Farxada Kula Qeybsanayey Cayaartoyda ACF ee Gobolka Bakool.

Wasiir Aba Aawow Sheekh Suufi oo Ah Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dhalinyarada Iyo Isboortiga Koonfur Galbeed Iyo Xildhibaano Xasan Macalin Yuusuf Black Oo Kamid ahaa Madaxdii Kaqeybgashey Casho sharafta Ayaa Si aad Ah Udhiiragaliyey Cayaartoyda Gobolka Bakool Sidoo Kale Na Mahad balaaran Ujeediyey Bahda Isboortiga Gaar ahaan Kubadda Cagta Gobolka Bakool.

”Maanta Waxaad Taagan Tihiin Waqti aad Kasareysaan Qof Madax ah Oo Madaxda ayaaba Maanta Idinsoo Raadineysa Idinkuna Jaanis Uma Heysaan Heerkaasi Waxaad Kugaartey Xirfadiina Iyo Iskuduubnidiina Waan Idin Ku Amaanayaa Halkaas Kasii Wada Dadaalkiina” Guushii Aad Gaarteen Waxay Tusaale Muuqda Ay Utahay In Bakool ay Joogaan Cayaartoy Matali Kara Dowlad Gobol,Ama Deegaan” Dadaalkiina Yuusan Noqonin Mid Halkan Ku ekaada Ee Sii wada Ha Is dhiganina Guusha Maanta ayey bilow idin Tahay’Noqda Kuwo Dadkooda Iyo Dalkooduba ay Kufaanaan Marwaliba” Ayuu Yiri Xildhibaan Black Oo Dhiiragalinin Cayaartoyda Bakool.

Sidoo Kale Wasiiru Dowlada Dhalinyarada Iyo Isboortiga Koonfur Galbeed Oo Khudbad dhiiragalin Ah Ujeediyey Cayaartoyda Ayaa Yiri ” Sida aad Isusoo Muujiseen idinkoo Dowlad Ama Wasaarad Idin Maalgalinin Ayaa Heerkan Gaarsiiseen Wadajirka Guushiina,Sidaa daraadeed Waxaan balan qaadayaa In bahda Isboortiga Gobolka Bakool Mar waliba Ay Hormuud Ka Noqon Doonaan Hawlaha ay Qabato Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed, Nin Guntan Ayaa Loo Gar Gaaraa Diyaar baanu idin Nahay Xili Waliba Inaan Idin dhiiragalino Waxaa La Idinka Rabaa Inaad Halkan Kujoojinin Oo aad Sii wadaan Ilaa Aad Gaarteen Heer Kan Ka wanaagsan,Waxaan Idin ka Sugeynaa Inaad Noqotaan Cayaartoy Matali Karta Dhamaan Deeganada Koonfur Galbeed Guushiina Waxay Hormuud Unoqon doonaa Miradhalka Guud Ahaan Isboortiga Koonfur Galbeed Guushiina Kuma Koobna Kaliya Gobolka bakool” Mar Kale Hambalyo ayaan Idin Leeyahay Anigoo Kuhadlayo Magaca Wasaarada Dhalinyarad Iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya”

Casho Sharaftan Ayaa Sidoo Kale Waxay Dhiiragalin Wanaagsan Ay Unoqotey Cayaartoydii Nasiibka Uyeeshey Inay Baydhabo Usoo Safraan Oo Ay Cayaaraan Cayaar Saxibtinimo Taasi Oo kudhiiragalineysa Inay Sii wadaan Dadaalkooda.

Cayaartoyda ayaa Si aad ah Ufaraxsanaa Habeenkani Waxaana Madashu ay Ahayd Madal Damaashaad Fiican ka dhacay Oo Madaxda Iyo Cayaartoyduba ay Isla Wadaageen Farxad,Kaftan,Iyo Marxabo farxadeed,Waxaana Qof Waliba Uu Umahad Naqayey Macalinka Kooxdaasi Kasocotey Gobolka Bakool Oo Suuragaliyey Inay Guul La laabtaan.

Cayaartoyda Kooxda ACF Oo Kasocdey Degmada Xudur Ayaa Soo Baydhabo Soo Gaarey Maalintii Khamiista Oo Taariikhdu Ay Ahayd 12/07/2018 Waxayna Baydhabo ay u Imaadeen In Cayaar Sxbtinimo ay Lacayaaraan Kooxda Horseed Oo Kadhisan Baydhabo Cayaartaasi Oo Qabsoontey Maalintii Jimcaha 13/07/2018 Cayaartaas Oo ahayd Mid Aaad Uxamaasad badneyd Ayaa Cayaartoyda Xudur Waxaa Ka Go’aneyd Inay Guul Kula Laabtaan Gobolkooda Taasi Oo Ugu dhambeyntii ay Ka dhabeeyeen Oo Kooxda Horseed Baydhabo Ay Kaga Badiyeen 3-0 Cayaar Ay Kasoo Muuqdeen Cayaartoy Adag Oo Kasocdey Gobolka Bakool.
W/Q Musharaf Abdi Nasir Xafiiska Wararka Hubsiimonews.com Magalada Baydhabo
S/Q Salah Qeys.

Leave a Reply